Daawo Sawirada:- Dagaalkii lagula wareegay Magaalada Buula Mareer..

Daawo Sawirada:- Dagaalkii lagula wareegay Magaalada Buula Mareer..

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay howgal cusub oo la baxay Badweynta Hindiya kaasoo u jeedkiisa uu yahay siddii Shabaab looga saari lahaa dalka oo dhan inta ka dhimman sannadkan.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Buulo-mareer oo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegeyn maanta duhurkii ayaa sheegay in u jeedkooda yahay siddii Shabaab looga saari lahaa magaalooyinka, Baraawe, Sablaale, Kuntuwaareey iyo deeganno kale oo ku teedsan gobalada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Wuxuu sheegay oo kale in dhinacooda uu khasaaro ka soo gaaray labo askari halka 11-ka mid ah oo dhinacyadii dagaallamayay la dilay isla markaana uu meydadkooda uu arkay sidda uu yiri.

Guddoomiye Siiddii ayaa carabka ku ballaariyay in howgalka Badweynta Hindiya uu yahay siddii dalka looga xorreyn lahaa Al-Shabaab, waxaana howgalka uu socon doonaa ayuu yiri ilaa Jubbada Dhexe.

Mar la weydiiyay howgalka cidda hoggaamineysa, wuxuu tilmaamay in howgalka maanta billowday ay kaliya hoggaaminayaan ciidamada AMISOM isagoona intaas ku daray in ciidamada dowladda in ay dib uga soo biiri doonaan.

Dhinaca kale, abaandulaha ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeyn degmada Buulo-mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Abaandulaha ayaa tilmaamay in wax khasaaro ah uusan soo gaarin ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Buulo-mareer ayaa loo arkaa degmo muhiim u ah Al-Shabaab, waxaana halkaas bishii January sannadkii 2013-ka weerar ku qaaday kumaadooska Faransiiska si ay u soo furtaan sarkaal laga heystay, basle howgalkaas waa uu fashilmay.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada