Daawo Sawirada:- Arday Cusub oo u fariistay Imtixaanka Qaabilaada Jaamacada Hormuud ee Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada:- Arday Cusub oo u fariistay Imtixaanka Qaabilaada Jaamacada Hormuud ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa maanta jaamacadda Hormuud u fariistay imtixaanka aqbalaadda arday cusub,kuwaasi oo la filayo in ay ku soo biiraan jamaacadda sanadka 2014 -2015.

Ardaydan oo dhameystay waxabarashada dugsiga sare ayaa isug jiray wiilal iyo gabdho iyadoo wajiyadooda ay ka muuqatay iney usoo diyaar garoobeen imtixaanka, macallimiinta iyo maamulka jaamacadda ay kormeerayey ardayda inta uu socday imtixaanku.

Pro. Jeylaani C/llaahi Cismaan oo ah gudoomiyaha jaamacadda Hormuud oo goobjoog ka ahaa imtixaanka ayaa ardayda u rajeeyey guul iyo iney anfacaan Dadkooda iyo Dalkooda ayna ka faa’iideystaan Daraasadda Jaamacadda.

Waxa uu intaasi ku daray gudoomiyaha in jaamacadda Hormuud ay bixineyso tababarro gaagaaban oo lagu hor marinayo Bulshada.

Qaaar ka mid ah ardaydii ku jirtay imtixaanka qaabilaadda jamaacadda ayaa dareenkooda ka hadlay,waxa ayna sheegeen in ay ku rajo weyn yihiin in ay helaan natiijo wanaagasan oo ugu soo gudbi karaan.

Dhowaan ayaa lafilayaa in la qabto Xafladda Qalin jebinta ardaydii ka qalin jebisay sanad dugsiyeedka 2013 – 2014.

Jaamacadda Hormuud oo haatan 5 sano jirsatay waa tan kaliya ee jaamacadaha soomaaliya bixisa qeybaha kala duwan Kulyadda Engineering-ka.





 FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada