News:- Madaxweyne Xassan oo la filaayo inuu gaaro Ankara (Muxuu ka doona?)

News:- Madaxweyne Xassan oo la filaayo inuu gaaro Ankara (Muxuu ka doona?)

daajis.com:-Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Shabakada Daajis.com in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud uu ka mid yahay 50 hoggaamiye oo lagu casuumay ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Rajib Dayid Erdugan.

Xafladda caleema saarka ayaa dhici doonta maalinta Khamiista ee soo socota, waxaana aan lagu casuumin hoggaamiyaasha, Israel, Syria iyo Masar sidda ay baahisay wakaalada wararka Turkiga ee Anadol.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay doorashadda uu ku guuleystay Erdugan oo sannadkii 2011-ka isaga iyo xaaskiisa booqasho taarikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho xilligaas oo caalamka ay dhabar jeediyeen magaalada uu dagaallada baabi’iyay.

Turkiga ayaa hadda noqday saaxibka ugu dhow caalamka ee Soomaaliya,waxaana magaalada Muqdisho uu ka wadaa mashaariic aad u fara badan.

Waxaa la aaminsan yahay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu sii xoogeysto maadama xilka ugu sareeya ee dalkaas uu hadda qabtay ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga aya la filayaa in uu ra’iisal wasaare ka dhigo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Axmed Defagtula.


Turkiga ayaa tiro ka seddax jeer ku qabtay dalkeeda shirar lagu hadal siinaayo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada