Daawo Sawirada:- Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo koox Mareykanka ka dhisan iibsatay

Daawo Sawirada:- Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo koox Mareykanka ka dhisan iibsatay

daajis.com:-Saadaq C/qaadir Maxamuud { Baloteli} oo xulkeena Somalia ugu ciyaara dhinaca weerarka, ayaa iibsatay koox ka dhisan dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Nova, iyadoo magaalada Nairobi loogu sameeyay xaflad sagootin ah oo ugu ambabaxayo dalka Mareykanka.

Saadaq Balotelli oo mudooyinkii u danbeeyay u ciyaarayay kooxda heerka koowaad ee AFC Leopards ee dalka Kenya ayaa ka tegay, waxaana tallaabadani ay tahay mid horumar leh oo uu ciyaaryahankan ku tallaabsaday.
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa u sameeyay xaflad sagootin, dardaaran iyo duco isugu jirta Saadaq C/qaadir Maxamuud (Balotelli), iyadoo xafladan ay ka qeybgaleen rag magac ku leh ciyaaraha soomaaliya.


Saadaq, ayaa ku biiri doona koox la yiraahdo Nova oo ka dhisan dalka Mareykanka, taas oo ka iibsatay kooxda uu u ciyaarayay ee Kenya ee AFC Leopards, waxeyna bahda Isboortiga ee xafladda ka hadlay ku tilmaameen guul qaran oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Muxidiin Cambar Qamiis, Macallin Baaskuwaale, iyo macallin Jabshe ayaa ka sheekeeyay waxa ay ka yaqaanaan Saadaq, iyagoo kula dardaarmay in uu sii laba-laabo dedaalkiisa si uu u gaaro horumar kale.

Saadaq wuxuu horey ugu soo ciyaaray kooxaha Banaadir Telecom, iyo AFC Leopards oo ah labada koox ee ugu waaweyn xiligan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo u qaaday koobabka horyaalada Somalia iyo Kenya. 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada