VIDEO:- Somaliland oo rasaas ay ku furtay taageerayaasha Khaatumo sababtay dhimasho iyo..

VIDEO:- Somaliland oo rasaas ay ku furtay taageerayaasha Khaatumo sababtay dhimasho iyo..

daajis.com:-Ciidamada Somaliland ayaa rasaas u adeegsaday dadweyne isugu soo baxay taageerada doorashada Madaxweynaha Khaatumo oo maanta ka dhacday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool, halkaasi oo Cali Khaliif loogu doortay Madaxweynaha Khaatumo State.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa markii doorashada dhacday kadib isugu soo baxay bartamaha Laascaanood oo ka taliyaan maamulka Somaliland, halkaasi oo bannaanbixii taageerada isu badal mid rabshato wato, kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaas ay ku kala eryeen ay ku dhimatay qof dumar ah, sedax kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Bannaanbax midkan la mid ah ayaa isna ka dhacay degmada Buhoodle, halkaasi oo shacabka degan ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan maamulka Khaatumo iyo hoggaanka cusub ee loo doortay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada