Daawo Sawirada:- Hub ka dhigista Xamar, 500 qori lau soo xareeyey

Daawo Sawirada:- Hub ka dhigista Xamar, 500 qori lau soo xareeyey

daajis.com:-Halgal guud oo ka socdey caasimadda dhawaanahan ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo xareeyey illaa 500 qoryaha fudud ah iyo hub kale oo u badana gantaalo, bambaanooyin, iyo hoobiyeyaal.

Hubkan qaarkiid ayaa laga soo qabtay garaash uu lahaa Marxuum Cusmaan Caato oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadda caasimadda.

Waxaa la sheegey in illaa boqol shaqsi oo Xamar ku sugan ay heystaan hub badan oo aanan duruuri ahayn, waxaana jira olole looga hor imaadsanyahay hub ka dhigista.

Xildhibaanada qaar oo iyagu hub heysta oo saxaafadda ka hadlay waxa ay sheegeen in sharciga hub ka dhigista oo golaha wasiiradda ay meel mariyeen uusan wali ansixin baarlamaanka, sidaasi darteedna laga hor dhacayo hub ka dhigista.

Hawlgalo dhacay ayaa waxaa ka dhashay iska hor imaadyo hubeysan, dadka hubka heystana waxa ay sameynayaan diyaargaroow ay ugu jiraan ciidamada dowladda ee hub ka dhigista samaynaya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada