Daawo Sawirada:- Haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo aqoontooda sare loo qaadayo

Daawo Sawirada:- Haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo aqoontooda sare loo qaadayo

daajis.com:-Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa siminaar aqoon kororsi ah uu uga furmay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Munaasabadda siminaarkan aqoon kororsiga ah oo ay wadajir u wadaagi doonaan Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Uganda oo lagu qabtay Hotelka Africano ee magaalada Kampala ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Baarlamaanka Uganda,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Xuquuqda Aadanah Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda AWEPA oo siminaarkan fududeyneysa.

Xildhibaanad Maryan Maxamed Isxaaq oo ah gudoomiye ku xigeennada Golaha XIldhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay munaasabadda furitaanka siminaarkan ayaa sheegtay iney aad ugu farax sanyihiin ka qeybgalka siminaarka ceynkan ee la xiriira doorka Haweenka iyo siyaasadda sare u qaadistooda waxaana ay u mahad celisay hay’adda AWEPA iyo Baarlamaanka Uganda.

Xildhibaan C/laahi Xasan Rooble oo ka mid ah Habdhowrka Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in siminaarkan uu qeyb ka yahay istiraatiijiyadda uu Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u dejiyey in XIldhibaannada Golaha Shacabka aqoontooda sare loogu qaaday waxaana uu magaca Golaha Shacabka uga mahad celiyey Baarlamaanka Uganda iyo hay’adda AWEPA.

Siminaarkan maanta u furmay Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa socon doona mudo Shan cisho waxaana uu imaanayaa xili laba maalmood ka hor magaalada Kampala siminaar aqoontooda sare loogu qaadayey loogu soo gebagebeeyey Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah iyo ku xigeennadooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada