Daawo Sawirada:- R/Wasaaraha Somalia oo ka qayb galey Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka iyo Furitaanka Xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Daawo Sawirada:- R/Wasaaraha Somalia oo ka qayb galey Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka iyo Furitaanka Xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga.

daajis.com:-Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Aduunka 12-ka Ogoosto 2014 iyo Furitaanka Xarunta Wasaarada Dhalinyarada Isboortiga ayaa lagu qabtey Xaruntaas waxaana ka soo qayb galey Raiisul Wasaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, Xildhibaano, Wasiiro, Agaasimayaal, Dhalinyaro, Haween iyo Marti sharaf kale iyadoo inta aysan Bilaaban Munaasabadaas waxaa Raiisul Wasaaraha uu Xariga ka jirey Xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Sports oo hore ugu Burburtey Dagaaladii sokeeye .

Ugu horeyntii waxaa halkaas Warbixin ka soo jeediyey Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga Mudane Daahir oo sheegey in Wasaarada ay dooneyso in ay Gacan siiso islamarkaana ay Shaqooyin u abuurto Dhalinyarada Somaaliyeed si ay uga qayb qaataan Hurmarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed sidoo kale waxaa uu sheegey in Wasaarada Waqti aan sidaa u dheereyn ay Bilaabin doono Tartamo Sportiga maadaama Ciyaaraha ay yihiin kuwa ka qayb qaadan kara isdhexgalka Bulshada .


Munaasbadaas waxaa ka hadley Masuuilyii ka soctey Hayadaha Qaramada Midoobey iyo Hayada UNFPA oo dhamaatood ku dheeraadey sida ay u daneynayaan in Isbedel lagu sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed islamarkaana loo abuuro Shaqooyin si ay uga baxaan Dhibaatooyinka Dagaalada, Tahriibka iyo Burcad Badeednimada sidoo kale waxay sheegeen in in Hayadahooda ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan Mashaariicda lagu Hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed

Xubnihii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo u Mahadceliyey intii isku Dubaridey ama Gacan ka geysatey Munaasbadda lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Caalamiga iyo Furitaank Xarunta Wasaarada hase yeeshee waxaa uu uga Digey Beesha Caalamka in aysan Soomaali kala qayb qaybin waayo Somaalia waa mid kaliya sidoo kale waxaa isna halkaas ka Hadley Xildhibaan Cabdulaahi Shaacir oo isna ku dheeraadey Waxqabadka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isortiga oo uu Hormuudka u yahay Khaalid Cumar Cali. 

Sidoo kale waxaa Munaasbadaas ka Hadley Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hidaha iyo Tacliinta Sare waxay sheegeen Wasaarada Dhalinyarada Isportiga ay fulisey Ujeedooyinkii Xukuumada oo ah in hore loo dhaqaajiyo Horumarinta Wasaaradaha sidoo kale waxay sheegeen in Wasaarada Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in Shaqooyin u u abuurto Dhalinyarada Soomaaliyeed si uu dalka uu u gaaro Horumar Dhinac waliba leh.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isportiga Khaalid Cumar Cali oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu ugu horeynti u Mahadceliyey inti ka qayb qaadatey dib u dhiska Xarunta Wasaarada Dhalinyrada iyo Isportiga oo uu sheegey in Hadafkooda Koowaad uu ahaa in marka hore Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaarada ay helaan meel ay ku shaqeeyaan , waxaa kale uu sheegey in Mustaqbalka dhow ay Wasaarada ku talaabsan doonto sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa Shaqooyin si ay uga baxaan Dhibaatooyinka Ragaadiyey Dhalinyarada Soomaaliyeed Sanooyiinkii la soo dhaafey


Ugu Dambeynti waxaa halkaa ka Hadley Raiisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed oo sheegey in HaLkudhigga Sannadkaan ee Aduunka uu qaatey oo (Mantel Health Matters ) Caafimaadka Maskaxda Waa Muhiim mid Dhinac naga taabanayo ah in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay haatan yihiin kuwa inta badan la Il daran Xanuunada Maskaxda taasoo uu sheegey in loo baahan yahay in wax laga qabto

sidoo kale Raiisul Wasaaaha ayaa sheegey in dib u howgelinta Xarunta Cusub ee Wasaarada Dhalinyarada Isportiga ay tahay mid Yadadiilo gelineyso sidii Soomaaliya Horumar u gaari lahayd sidoo kale waxaa uu Carabka uu ku dhuftey in Sannadka 2016 Muqdisho ay Martgelin doonto Tartamo Caalami ah iyadoo Halkaas Abaalmarin iyo Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyey Shaqasiyaadkii iyo Hayadihi ka qayb qaatey Dhismaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Isportiga 


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada