Howlgallo Xaley ay ciidamada Dowladda ka Sameeyeen magaalada Muqdisho.

Howlgallo Xaley ay ciidamada Dowladda ka Sameeyeen magaalada Muqdisho.

daajis.com:-Wararka inaga soo gaaray Degmada Wada jir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamo aad u fara badan halkaasi goor dhow ka bilaabeen Howlgal culus.

Wararka aan halkaasi ka heleyno, ayaa sheegaya in Ciidamada Howlgalka fulinaayo ay ka kooban yihiin Nabadsugida, Boliska iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM kuwaasi oo hal hal u baaraya guryaha Degmadaasi ku yaalla.

Askari ka tirsan Ciidamada Howlgalka wada ayaa inoo xaqiijiyay in Howlgalka uu ka dambeeyay ka gadaal markii ay Degmada gudaha u galeen Dagaalyahaano ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay daajis.com ayaa  Xaqiijiyay in howlgalka ay sameynayeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika Ee Amisom.

Dhanka kale Saraakiisha Dowlada Soomaaliya oo goordhow aan xiriir la sameynay ayaa inoo suura galin si aan wax badan ugu ogaano howlgalka ay ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ay ka wadaan degmada wadajir Ee Gobalka Baanadir.


Sikastaba Howlgalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili inta badan  ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom howlgalo balaaran ay ka sameeyan  qeybo ka mid ah  degmooyinka Gobalka Banaadir iyo gobalada dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada