Video:- Dibad bax maanta ruxay Koonfur Afrika iyo Saameynta Soomaalida

Video:- Dibad bax maanta ruxay Koonfur Afrika iyo Saameynta Soomaalida

daajis.com:-Dibad bax xoogan oo ay dhigayeen taageerayaasha xisbiga talada dalka koonfur Afrika haya ee ANC ayaa maanta ruxay magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika.

Dibax baxa ayaa waxa uu ka bilaawday degmada Bellville ee magaalada Cape Town oo ah halboowlaha ganacsiga Soomaalida Koonfur Afrika, iyadoona cabsi xoog leh darted albaabada loo xiray dhammaan dukaamadii Soomaaliyeed iyo kuwa dadka kale lahaayeen.

Dadka dibad baxayay ayaa waxa ay dibad baxayeen laba mas’uul oo ka tirsan xisbiga ANC oo maanta la horkeenay maxkamda islamarkaana lagu soo oogay dambiyo kale duwan oo ay dalka ka galeen.

Hase yeeshee taageerayaasha xisbiga ANC ayaa ka horyimid, kadib marki ay maanta soo abaabuleen dibad bax xoogan oo ay ka qayb galeen ilaa 40 kun oo qof, kuwaasi oo boob ka geystay suuqa Bellville Market ee lagu iibiyo qudaarta,waxaana uu saran yahay suuqaan maxkamadda Bellville oo ay dacwadda mas’uuliyiinta ANC ka socotay.

Marki ay kasoo gadoomeen dibad baxi ayay isku dayayeen inay boobaan dukaamada Soomaalida eek u yaalla Bellvile, hase yeeshee waxaa taasi hor istaagay booliska Koonfur Afrika oo hareer socday dadka dibad baxayay iyo boolis qaas ah oo diyaarad dusha sare kaga ilaalinayay dadka dibad baxayay.

Waa dibad baxi ugu horreeyay ee cabsi geliya Soomaalida ku nool magaalada Cape Town.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada