Sirdoonka Kenya:- oo warbixino dheeri ah ka helay Xasan Xanafi oo loo haysto dilalka Wariyeyaal

Sirdoonka Kenya:- oo warbixino dheeri ah ka helay Xasan Xanafi oo loo haysto dilalka Wariyeyaal

daajis.com:-Afhayeen u hadlay booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay heleen macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo toddobaadkii hore xaafada Islii lagu qabtay.

Xasan Xanafi Xaaji ayaa wuxuu horay ugu tirsanaa Suxufiyiinta Muqdisho ka howlgeli jirtay, hase ahaatee markii danbe ku biiray Al-Shabaab, waxaana loo haystaa dilalka Wariyeyaal fara badan oo uu Al-Shabaab wakiil ugu ahaa.

Sarkaal u hadlay Booliska Kenya oo magaciisa shaacin ayaa wuxuu sheegay in Xasan Xanafi uu horey u qaatay Sharciga dhalashada Kenya, iyadoo uu ku sameystay magac been abuur ah, lana baxay Yuusuf Xasan.

Kaarka aqoonsiga ee muwaadinimada uu sameystay Xasan Xanafi ayaa waxaa uu sarkaalkan sheegay in laga helay guriga laga qabtay, waxaana kaarka ku qoran in uu ku dhashay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Sarkaalka ka tirsan Booliska oo la hadlay Wargeyska The Standard, ayaa waxa uu xusay in kaarka aqoonsiga ee Xasan Xanafi, ay ka helayn hoygii uu ka degganaa Xaafada Islii, ka gadaal hawlgalkii qorsheysnaa ee lagu soo qabtay.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Kenya David Kimaiyo, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay xabsiga ku sii hayn doonaan Xasan Xanafi Xaaji, ilaama ay ka soo gaba gabeenayaan baaritaanada.

Safiirka Somaliya ee dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa waxa uu Kenya ka rajeynayaa inay Somaliya ku soo wareejiso Xasan Xanafi, maadaama dacwado looga heysto gudaha Somaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada