Daawo Sawirada:- Idaacad u gaar ah G/Banaadir oo Muqdisho laga furay

Daawo Sawirada:- Idaacad u gaar ah G/Banaadir oo Muqdisho laga furay

daajis.com:-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa furay Idaacad ku hadasha codka Caasimada Muqdisho, taasoo maamulka ugu talagalay inay ka qeyb qaadato wacyigelinta bulshada ku nool Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab" ayaa xariga ka jaray Idaacadda Codka Caasimada, wuxuuna sheegay in ujeedada loo furay Idaacada ay tahay iney ka qeyb qaadato wacyigelinta bulshada, nabadgelyada iyo horumarka Gobolka Banaadir.

Muungaab ayaa ku boorriyay howlwdeennada Idaacadda iney muujiyaan howlkarnimo iyo wadaniyad, isagoo ka hadlay muhiimada ay idaacadani u leedahay maamulka iyo bulshaweynta ku dhaqan gobolka Banaadir.


Idacadan oo laga dhageysan karo Mowjada FM-kaqofka ku nool Gobolka Banaadir iyo hareerahiisa, iyadoo baahin doonta barnaamijyo iyo warar ka tarjumaya wax qabadka maamulka gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka howlgala in dhowr Idaacadood oo shaqsiyaad leeyihiin, halka Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ay ku hadasho afka Dowladda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada