Daawo Sawirada Layaableh:- Nin birta shubku madaxiisa ka dhex baxday oo badbaaday. Amar alleh weeynaa

Daawo Sawirada Layaableh:- Nin birta shubku madaxiisa ka dhex baxday oo badbaaday. Amar alleh weeynaa

daajis.com:-ALLAH dilaa dhinta: Nin birta shubku madaxiisa ka dhex baxday oo badbaaday Birtaan oo dhumuceedu ahayd hal inji ayaa ku soo dhacday Mudane Ho isagoo ku hawllan duminta guri uu horay u deganaan jiray

Ninkaan 50 jirka ah oo ku nool degmada Leye ee gobolka Guangxi ee dalka Shiinaha, ayaa lagu tilmaamay nin aad u nasiib badan ka dib markii birtaani ka gashay dhinaca midig ee dhafoorka ilaa ay ka baxday daankiisa bidix iyadoo birtu dhex martay oo wax aad u yar u jirsatay neerfayaasha maskaxdiisa iyo isha bidix salkeeda oo labaduba ka mid ah xubnaha ugu nugul xubnaha bani’aadamka, gaar ahaan neerfayaasha maskaxda oo taabashada wax kasta oo dibadda uga yimaada ama dhaqdhaqaaqoodu uu keeni karo geeri degdeg ah.

Markii Mudane Ho la keenay cisbitaalkii magaalada yar ee uu deganaa, waxay dhakhaatiirtii halkaas joogay rumeysan waayeen inuu nool yahay oo weliba miyirkiisu taam yahay. Waana sababta keentay in dhakhaatiirtu ay markiiba u yeeraan xoogagga dab-demiska kuwooda bira gooynta ku takhasusay si ay qaybta muuqata ee birta u gooyaan. 

Ka dib markii qaybta bannaanka ee birta la gooyay ayaa Mr Ho loola cararay cisbitaal wayn oo ku yaal magaalo aan sidaa uga fogayn halkaasoo ay joogaan dhakhaatiir qalliinnada waawayn sameeya si looga soo saaro qaybta birta ee ku harsan gudaha madaxiisa. 

Raajida laga qaaday birta ku dhex jirtay madaxa Mudane Ho ka hor inta aan qalliinka lagu sameyn ayaa muujsay sida mucjisada ah ee ay birtu u dhinac martay xubno badan oo halis ah oo haddii ay taaban lahayd ay nolosha ninkaasi halis geli lahayd. 

Nasiib wanaag, dhakhaatiirta qalliinka ee Degmada Leigh waxaa u suurogashay inay birtii madaxa kaga jirtay Mudane Ho si farsamysan uga soo saaraan isagoo sida la sheegay si buuxda uga soo gabanaya dhaawacii soo gaaray. 
ILAAH dilaa dhinta

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada