daajis.com:-Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii
dambe kasocday dib u dhis iyo casriyeen lagu sameenayay qeybaha kala
duwan ee Garoonka Diyaaradaha uu ka kooban yahay.
Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa gacanta ku haya oo dhiseysa Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga , waxaana hada heer gabo gabo ah maraya dhismaha qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde .
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn waxa ay usoo dhaweeyeen dib u dhiska iyo casriyeenta lagu sameenayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo mudo sanado badan ah aan shaqeyn sababo la xariira Dagaaladii sukeeye ee Dalka ka Dilaacay.
Sida qorshaha uu yahay Garoonka Diyaaradaa Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa lala damacsan yahay in loo dhiso loona qurxiyo sida Garoomada Caalamiga ee kuyaala Wadamo badan oo Caalamka daafihiisa ah.
Shirkado laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa soo celinta bilicda Magaalada Muqdisho qeyb weyn ka qaatay , waxaa hada la dhisay qeybo badan kamid ah Laamiyadii bur bursanaa ee Magaalada, Goobo Caafimaad iyo Iskuulo waa weyn oo ku bur buray Dagaaladii sukeeye ee Dalka ka socday mudo sanado badana ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:14 and have
, Published at