VIDEO:- Taageere dhagax ku dilay weeraryahanka reer Cameroon

VIDEO:- Taageere dhagax ku dilay weeraryahanka reer Cameroon

daajis.com:-Ciyaaryahanka u dhashay dalka Cameroon Albert Ebosse ayaa dhintay, kadib markii mid ka mid ah taageerayaal ay soo tuureen dhagax madaxa ugu dhacay.

Weeraryahankan reer Cameroon oo u ciyaarayay kooxda JS Kabylie ee horyaalka dalka Algeria ka dhisan ayaa waxaa uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray madaxa, iyadoo loola cararay isbitaalka, balse geeriyooday.

Albert Ebosse oo 24 sano jir ahaa ayaa dhaliyay gool kulankii ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay kooxda USM Alger, balse markii ay ciyaarta dhamaatay ee la aadayay qolka lebiska qof soo tuuray dhagax ku habsaday.

Wasiirka arimaha gudaha dalka Algeria ayaa xiriirka kubada cagta dalkaasi ku amray in la sameeyo baaritaan sababta uu u dhintay.

Ebosse ayaa ahaa gooldhaliyihii ugu sareeyay horyaalka dalka Algeriaa, isagoo dhaliyay 17 gool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA
http://video.daajis.com/2014/08/video-taageere-dhagax-ku-dilay.html



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada