VIDEO:- Madaxweynaha dalka oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee India

VIDEO:- Madaxweynaha dalka oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee India

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee India usoo magacowday Somalia.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa soo dhoweeyay Danjiraha cusub ee India u soo magacowday, kaasoo lagu magacaabo Yogeshwar Varma, , sidoo kale Madaxweynaha iyo Safiirka cusub waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo in dowladda India ay ka qeyb qaadato sidii tababaro loo siin lahaa shaqaalaha dowladda.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safiirkan cusub ee India uu badali doono safiirkii hore ee India u joogay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dalka ay ku soo badanayaan safiiro cusub.

“Safiirada iminka dalka jooga  waxa ay gaarayaan inka badan 50 safiir, tan kale India waxaan leenahay cilaaqaad toos ah oo soo jireen ah, waxaana ku balanay in aan xoojino xiriirka labada dal” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Danjire Yogeshwar Varma oo ah safiirka cusub ee ay India u soo magacawday Soomaaliya oo isna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ka guddoomo warqadihiisa aqoonsiga ee danjirenimo.

“Waxa ay ii tahay farxad in aan la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, anigoo salaan qaali ah uga sida mas’uuliyiinta dowladda India iyo shacabkeeda, sida aad ogtihiin India iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo soo jireen ah, waxaana dhankeyga balan qaadayaa in aan sii xoojiyo xiriirkaasi” ayuu yiri Danjire Yogeshwar Varma.

http://video.daajis.com/2014/08/video-madaxweynaha-dalka-oo-waraaqaha.html


Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ilaa 50 Safaaradood, inkastoo badankood aysan laheyn xarumo, balse ay dhex degan yihiin hoteel ku yaal gudaha Xalane ee ciidamada AMISOM.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada