Daawo Sawirrada:- Banaanbax ay dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Daawo Sawirrada:- Banaanbax ay dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

daajis.com:-Hal qof ayaa dhintay, saddex kalena waa ay dhaawacantay kaddib rasaas ay maanta rag hubeysan ku fureen dibadbaxayaal ka soo horjeeday booqasho lagu waday inuu raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed maanta ku tago magaalada Baydhabo.

Maamulka dowladda ee magaalada Baydhabo ayaa saxaafadda u sheegay inuu baaqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,balse ma aysan sheegen baaqashadiisa inay qeyb ka tahay isku soo baxyada magaalada lugu qabtay.
Dibadbaxan ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan, kuwaasoo ay horkacayeen mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban, iygaoo socod ku maray waddooyinka Baydhabo, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo looga soo horjeedo dowladda.
Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo saxaafadda u sheegay inuu ka mid yahay qaban-qaabiyaasha dibadbaxa ayaa sheegay in abaabulka ay lahaayeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka lixda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya, ayna kaga soo horjeesteen in maamul saddex gobol ah laga hirgeliyo deegaannada gobollada koonfureed ee Soomaaliya.
“Waxaa ku dhintay hal qof saddex kalana dhaawac ayaa soo gaaray.banaan baxa dowladda ayaa looga soo horjeeday waxaana soo qaban-qaabiyeeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka lixda gobol ee koonfur galbeed,”ayuu yiri Cabdiqaadir.


Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan deggan, iyadoo ciidamada booliska Baydhabo ay ku guuleysteen in ay kala ceyriyaan dibadbaxayaasha.

Safarkii uu raysul wasaare Cabdiweli Sheekh maanta ku tagi lahaa magaalada Baydhabo ayaa dib u dhac uu ku yimid, inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u dhaca booqashadiisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaallo lugu xalinayo xiisadaha siyaasaded ee ka tagan Baydhabo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada