Daawo-Video:- Maxkamadda sare oo Maanta Xukun dil ah ku Riday Eedeysanayaal.

Daawo-Video:- Maxkamadda sare oo Maanta Xukun dil ah ku Riday Eedeysanayaal.

daajis.com:-Maxkamadda sare ee  ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo horey Maxkamadda darajada kowaad xukuntay.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay eedeysanayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar, islamarkaana ay 20-kii bishaan xukuntay Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa lagu xakumay dil toogasho ah.
7-Eedeysane ee Maxkamadda la horkeenay ayaa waxaa lagu helay dambiga ah inay dileen Marxuum la oran jiray C/casiis Muxudiin Hiraabe oo ka tirsanaa ciidanka xoogga, kaasi oo ka mid ahaa maxaabiista, islamarkaana u adeegayay maxaabiista dishay, waxaana lagu xakumay dil toogasho ah.

7-dan ayaa waxa ay horey uga mid ahaayeen 13 dishay Marxuumka C/casiis, iyadoo horey Maxkamadda darajada koowaad ay xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaashan, waxaana ay xukunkii hore ee lagu riday ay ka qaateen racfaan, iyadoo Maxkamadda sare ee dalka ay maanta ku riday xukun dil ah.
Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida Kornayl Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday 7-daasi eedeysane.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada