WAR DEG DEG AH:- Barre Hiiraale Oo Muqdisho ka dagay ka dib markuu maanta Kismaayo tagay.

WAR DEG DEG AH:- Barre Hiiraale Oo Muqdisho ka dagay ka dib markuu maanta Kismaayo tagay.

daajis.com:-Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo Mucaarid ku ahaa Maamulka Jubba,islamarkaasina dhawaan qaatay heshiis dib u heshiisiin iyo wada hadal ah, ayaa galabta ka dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde international Airport ee Magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkiisa ku weheliya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno IGAD ka tirsan. 

Wararka Calanka.com uu helayo ayaa sheegay in Barre uu Muqdisho ku tagay Dalab uga yimid Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo markii hore Muqdisho ka dirtay si uu isku hortaaggo dhismihii Maamulka KMG ah ee Jubba.

Sidoo kale Barre Hiiraale Maanta waxaa uu gudaha u galay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, waxaana uu la kulmay Madaxda Maamulka Jubba, waxaase wararku sheegayaan in Muqdisho loogu yeeray wada hadal lagu heshiisiinayo isaga iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

Sidoo kale Socdaalka Barre Hiiraale uu Galabta ku tagay Magaalada Muqdisho waxaa ku weheliya Iftiin Xassan Baasto oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Jubba, balse markii hore Mucaarid ahaa sida Barre oo kale.
 

RIIX HALKAAN DHAGEYSO TAGITAANKIISA

 
Si kastaha ha ahaatee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda Qorshe wada hadal iyo dib u heshiisiin loogu samaynayo Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe iyo Dadka Daga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada