Daawo Video:- Xildhibaanadii puntland oo taageeray Khaatumo Fariina u diray Cali Khaliif Galeyr

Daawo Video:- Xildhibaanadii puntland oo taageeray Khaatumo Fariina u diray Cali Khaliif Galeyr

daajis.com:-Xildhibaan C/raxmaan maxamed Cali (Bulshaale) oo mudo 8 Sano ah ku jiray baarlamaanka maamulka Puntland oo shir ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Madaxwayne Cali khaliif Galaydh iyo ku xigeenkiisa ugu baaqay inay soo dhamaystiraan Golaha wasiirada maamulka Khaatumo.
Bulshaale ayaa sheegay inay Kalsoonida lagu Qabaa maamulka khaatumo ay tahay 100 % Wuxuuna yidhi “Waxaanu ka balan qaadaynaa inaanu la shaqayno Hiil iyo Hooba, Maxaa yeelay Dhiiga, Dhulka, Dhaqanka, Sharafka, iyo Karaamada, Loo guntaday ee halkaasi lagu Abaabulay waa naga dhexeeyaan” ayuu yidhi.
Ugu danbaynta wuxuu ugu baaqay Dawlad goboleedka khaatumo Sida ugu dhakhsaha badan uu ku gaadho Xarunta maamulka khaatumo ee Laascaanood, Wuxuuna sheegay in laysugu tagi doono dal iyo debed Arintaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada