Cadeymo Cusub oo Ay Heleen Ciidamada Kenya kadib weerarkii Westgate Mall Sanad kadib.

Cadeymo Cusub oo Ay Heleen Ciidamada Kenya kadib weerarkii Westgate Mall Sanad kadib.

daajis.com:-Maxkamadda magaalladda Nairobi waxaa shalay la soo taagay Afar Eedeysane Somali ah, kuwaasi oo lagu xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Xarumaha laga dukaamaysto ee Westgate ee magaalladda Nairobi.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Hussien Hassan Mustada, Mohamed Ahmed Abdi, Liban Abdullahi Omar iyo Aden Mohamed Abdulkadir ayaa lagu soo oogay inay taageero u fidiyeen Dagaalyahannaddii Alshabaab ee weerarkaasi fuliyey.

Dhegeysiga Dacwadaasi oo bilaabantay bishii January ee sannadkan ayey Dembi-baarayaasha Boliska soo bandhigeen hub la sheegay inay Alshabaab u adeegsadeen weerarkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 67-qof.

Lawrance Nthiwa oo ah Khabiir ka tirsan Boliska Kenya ayaa soo gudbiyey Warbixin la xiriirta qoryaha laga soo helay dabaqa sare ee Dhismaha Westgate, waxaana hubkaasi ku jiray 8 qori oo cilladaysnaa. Iyo ugu yaraan 1,000 fuqa rasaasta oo laga helay Westgate.

In ka badan 35 Markhaati ayaa Madasha Maxkmaadda joogay, kuwaasi oo ugu yaraan 10 ka mid ah la rajeynayo inay bixiyaan caddaymo buuxa dacwada loo haysto Afarta Eedeysane ee Soomaalida ah.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa inay mar kale Maxkamadda ka soo hor muuqdaan bisha soo socoto ee September 23-dii.

Xigasho: The Daily Nation

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada