M.G:- Abdi Qeybdiid oo si kulul ugu jawaabay hadal kasoo yeeray C/weli Gaas

M.G:- Abdi Qeybdiid oo si kulul ugu jawaabay hadal kasoo yeeray C/weli Gaas

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid" ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas inuu doonayo dhibaato uu ka abuuro gobolada Dhexe ee Somalia.

Hadalka Qeybdiid ayaa ka danbeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland uu ka jawaabay hadal uu jeediyay C/qeybdiid, isagoo hadalkaasina ku tilmaamay inuu ahaa gardaro garab og.

Hase ahaatee Madaxweynaha Galmudug ayaa Cabdiweli Gaas ku tilmaamay inuusan rabin maamul loo dhiso gobolada dhexe, isla markaana doonayo inuu dagaal iyo colaad hor leh abuuro.

"C/weli Gaas ma doonayo in dadka Gobolada Dhexe dhistaan maamul, wuxuu rabaa inuu abuuro dagaal iyo dhibaato cusub"ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

“Maamulka Gobolada dhexe laga dhisayo waxaa dhisanayay dadka daga Gobolada dhexe,aniga wax aan Dowlad ku cadaadinayo ma jiraan”ayuu yiri sii raaciyay Qeybdiid.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaaz ayaa sheegay Dhawaan  in Cabdi Qeybdiid uu doonayo in si Xoog ah loo dhiso Maamulka Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada