Dad Suniyiin ah oo lagu Laayay Masaajid kuyaala Dalka Ciraaq xili ay ku guda jireen Dukashada Salaada Jimcaha

Dad Suniyiin ah oo lagu Laayay Masaajid kuyaala Dalka Ciraaq xili ay ku guda jireen Dukashada Salaada Jimcaha

daajis.com:-Kooxo wali heebtooda aan la garan ayaa Masaajid kuyaala Magaalo katirsan gobolka Diyala ee bariga dalka Ciraaq waxa ay ku laayeen dad Suniyihiin ah oo ku guda jiray dukashada Salaada Jimcaha Maalintii shalay.

in kabadan 60-qof oo kamid aheed Jameecadii masaajidka ku jirtay ayaa ku dhintay Weerarkaasi loo adeegsaday qarax iyo rasaas oon wali si cad loo ogeyn cida ka dambeysay, Saraakiisha amaanka Dalka Ciraaq ayaana xaqiijiyay weerarkan Masaajidka lagu qaaday.

Waxaa laga maqlay gudaha Masjidka qarax xoogan oo u eg Mid ismiidaamin ah iyo rasaas kale , waxaana la tuhmayaa Weerarkan in ay ka dambeeyaan kooxo Shiico ah oo dagaal kula jira Xoogaga Islaamiyiinta ee kasoo jeeda Suniyiinta.



Magaalada Weerarkan uu ka dhacay waxaa marar badan ku agaalamay Dagaalyahanada Daacish iyo Ciidamo katirsan Dowlada Ciraaq , mana jirto cid si rasmi ah gacanta ugu heysa Magaalaaasi sida ay ku waramay Wariye katirsan BBC-da oo kusugan Magaalada Bagdaad ee Dalka Ciraaq.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada