Dagaalyahaano Soomaali ah oo kusii qulqulaayo Dalka Maqrib iyo Warbaahinta Caalmaka oo daboolka ka qaaday

Dagaalyahaano Soomaali ah oo kusii qulqulaayo Dalka Maqrib iyo Warbaahinta Caalmaka oo daboolka ka qaaday

daajis.com:-Taliska Hawlgalka QM ee dalka Mali (MINUSMA) ayaa xaqiijiyey inay Dagaalyahanno ka kala yimid dalalka Somalia, Chad iyo Tunisia iyo kuwa haysta dhalashadda dalalka Spain iyo Morocco ka dagaalamayaan Galbeedka magaalladda Timbuktu ee dalka Mali.

Dagaalyahanadaasi ayaa xubno ka ah Kooxda Alqaacidada Islaamka Maqrib (AQIM) ee dagalladda ka wada dalka Maali iyo qeybo ka mid ah dalalka Algeria, Tunuisa iyo Libya.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Ciiddanka Faransiiska ee ku sugan dalka Maali gacanta ku dhigeen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin Alqaacida.

Afhayeenka Milliteriga Faransiiska, G/sare Misheel Sabatiyer oo la hadlay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA, ayaa sheegay inay su’aallo weydiinayaan ragga la qabtay, wuxuuna xusay inay ku wareejin doonaan Dowladda Maali.

Waxa uu intaasi ku daray in raggaasi lagu qabtay xilli ay Ciiddanka Gaarka ee Faransiiska hawlgal ka wadeen meel ku dhow Degmadda Timbuktu.

2,300 Askari oo Faransiis ah ayaa ku sugan dalka Maali, kuwaasi oo tan iyo sannadkii hore hawlgal kula jira Dagaalyahannadda Alqaacida ee ku sugan Waqooyiga Mali.

Xigasho DPA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada