Guddiga dib u Eegista Qorshaha Wasaaradaha oo ka warbixiyay waxa u qabsoomay

Guddiga dib u Eegista Qorshaha Wasaaradaha oo ka warbixiyay waxa u qabsoomay

daajis.com:-Guddiga uu Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed u xilsaaray in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshe howleedka Wasaaradaha lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa saxaafada uga warbixiyey halka uu marayo dib u eegista waxqabadka wasaaradaha.


Gudigaan oo uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdullaahi Sheikh Cali Qaloocow, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay warbixino ku aadan waxa ka qabsoomay qorshe howleedka ka dhageysanayeen wasaaradaha.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdi Ciise Diirshe oo Saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in galabta la isugu yeeray shan Wasaaradood kuwaas oo laga dhageystay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo qorshahooda ku aadan lixda bilood ee soo socota.

Ra’isul Wasaarahu wuxuu u xilsaaray dib u eegista Wasaaradaha Guddi ka kooban shan wasaaradood oo hormuud u tahay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana isugu yeeri doonaa dhammaan Wasaaradaha si loo ogaado wixii ay qabatay Wasaarad walba. Waxaana Ra’isul Wasaaruhu amar ku bixiyay in la uruuriyo qorshe howleedkii sanadkan 2014-ka lixdii bilood ee ugu horeysay, Wasaaradaha oo dhan waxaa laga rabaa in ay isku geeyaan wixii ay qabteen lixdaas bilood” ayuu yiri Mudane Cabdi Ciise Diirshe.


Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xaaji Cali oo xubin ka ah guddiga ayaa sheegay in tallaabadani horseedayso in la kala ogaado wasaaradaha sida hufan u fuliyey qorshe howloodkii ay soo gudbiyeen iyo kuwo aan waxba ka qaban.

“Qorshahan waa mid lagu muujinayo in la ogaado halka ay Wasaaraduhu wax ka qabteen iyo halka ay ka jilicsan yihiin, ujeedkuna waa in la hello xukuumad shaqeyneysa oo waqtigan dhibka badan ka saarta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Cabdallaha Xaaji oo dhinaca kale xusay in hadii la wada shaqeeyo la gaari karo halka la hiigsanayo.

Talaabadani uu Ra’iisul Wasaaruhu kula xisaabtamayo Wasaaradaha ayaa noqonaysa talaabo dhabaha u xaaraysa in si wanaagsan loogu adeego bulshada Soomaaliyeed, loona muujiyo shacabka Soomaaliyeed in xukuumadu ku howlan tahay isbadal lagu samaynayo hanaanka dowladnimo, si shacabku ugu kalsoonaadaan dowladooda.
DHAMAAD

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada