DHAGEYSO:- MUUNGAAB"Shacab iyo Dowlad haloo kala baxo, hubkuna gacanta dowladda ha galo".

DHAGEYSO:- MUUNGAAB"Shacab iyo Dowlad haloo kala baxo, hubkuna gacanta dowladda ha galo".

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqqa Magaalada Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen Muungaab Oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay ka dib safar muddo qaatay oo uu ugu maqnaa waddanka Sweden ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay, waxaana uu warbaahinta uga warramay safarkiisii Sweden iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay.

Xassan Maxamed Xuseen"Muungaab" oo ka hadlay Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo Howlgallada Hubka dhigista ee Dowladdu ay Muqdisho ka waddo iyo sharcigii dhawaan Golaha Wasiiradu ay meel-mariyeen ee ku saabsanaa xakamaynta Hubka wax dila, waxaana uu sheegay inuu aad u soo dhaweynayo Howlgallada Hubka dhigista oo uu ku tilmaamay mid hadda loo baahnaa.

Muungaab ayaa tilmaamay in barnaamijka hubka dhigistu uu yahay mid diyaarsan oo tifaftiran, islamarkaasina laga soo shaqeeyay qaabka hubka dhigista loo wajahayo, waddooyinka loo marayo iyo dadku meesha ay hubka keenayaan.

Waxaa uu intaas ku daray in adduunka oo dhan waddamada Burburku ku dhacay sida Soomaaliya oo kale ay Hubka dhigis sameeyaan, islamarkaasina wixii hub ah ay Dowladdu iska lee dahay loona baahan yahay in loo kala baxo Dowlad iyo shacab, waxaa uu intaas raaciyey in ka maamul ahaan dowladda federaalka ah ay ka gacan siinayaan in shacabka inta hubka haysata ay dowladda soomaaliya ku wareejiyaan.

RIIX HALKAAN DHAGEYSO HADALKA MUUNGAAB


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada