Dowlada soomaliya oo maxkamad caalami ah u gudbisay murinka dacwad la xiriirta Bada Soomaaliya.

Dowlada soomaliya oo maxkamad caalami ah u gudbisay murinka dacwad la xiriirta Bada Soomaaliya.

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ee caalamka uu aqoonsanyahay ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa in ay dib usoo celiso maamulka xuduudaheeda ee badda.

Waxaana ka mid ah meelaha ay dooneyso in ay gacanta ku dhigto xuduudda dhinaca badda ah ee u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka la xiriira.

Kenya oo ay ciidan badan ka joogaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay dooneyso in iyaduna ay gacanta ku dhigto dhul badda ah oo dhirirkiisu gaarayo 100-km oo wareeg ah.

Dhulkaas ayaa la sheegayaa in uu qani ku yahay gaaska iyo Saliida.
Waraka qaar ayaa tilmaamaya in Kenya ay qandaraasyo siisay shirkado caalami ah oo gaas iyo saliid ka baara goobahaasi, inkastoo ay jirto hubaal la’aan ah cida leh dhulka uu muranka ka taaganyahay.

Warbixin ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ayaa waxa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay maxkamadda in ay go’aan ka gaarto arrintan.

Haddaba Soomaaliya waxa ay rabtaa in marka la xadeeynayo badda, in loo fiiriyo dhulka ku dhow lalana simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la sameeyo xariiqin dheer oo kala barta badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.


Warbixintan oo ay soo saartay maxkamada ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in labada wadanba ay aqoonsan yihiin awooda maxkamadda.

Warbixinta ayaa waxa ay sidoo kale soo xiganeysaa in Soomaaliya ay sheegtay in lagu guul dareystay in si diblumaasiyad ah lagu xaliyo murankan.
Dacwadaha lageeyo maxkamadan waxa ay qaadan karaan in go’aan laga gaaro sannado badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada