War Deg-Deg:- Nin ka tirsan Shabaab oo baadi-goob loogu jiray oo goor dhaw lagu qabtay Magaalada Muqdisho

War Deg-Deg:- Nin ka tirsan Shabaab oo baadi-goob loogu jiray oo goor dhaw lagu qabtay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Nin ka tirsan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay lagu qabtay hawlgal laga fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xilli la sheegay in baadi-goob loogu jiray.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo shir jaraa’id qabtay, ayaa waxa uu sheegay in ninkaan lala soo qabtay nin kaloo gacan yare u ahaa, isla-markaana ay labaduba ku hayaan Degmada Wadajir.

Gudoomiyaha oo ka gaabsaday magaca ninka baadi-goobka loogu jiray ee la qabtay, ayaa waxa uu dhanka kale sheegay in ay horey u hayeen macluumaadka la xiriira ninkaasi, ayna u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu carab dhabay in saacadaha soo socda ay ku wareejin doonaan laamaha ammaanka, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo, Cadaaladana loo horkeeno.

Axmed Cabdulle Afrax waxa uu ku goodiyay in ay soo qab qaban doonaan xubnaha ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab, ee ku dhuumaaleysanaaya Degmadiisa, iyagoo ka hor tagaaya khatarta ay ku yihiin bulshada.

Dhanka kale Afrax, ayaa ku faanay in uu wanaagsan yahay ammaanka Degmada Wadajir, wuxuuna intaa raaciyay inay cagta cagta u saareen xubnaha ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Al Shabaab kama hadlin waxa ka jira in nin ka tirsan lagu qabtay Degmada Wadajir ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada