Faah-Faahin:- kasoo baxeysa Weerar culus oo lagu qaaday Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland

Faah-Faahin:- kasoo baxeysa Weerar culus oo lagu qaaday Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland

daajis.com:-Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Weerar maanta lagu qaaday gaari uu lahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolka Bari C/fitaax Xaaji Aadan, ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhashay Khasaaro soo gaaray Ciidamadiisa.

Xiliga Gaariga la rasaaseynaayay ayaa waxa uu maraayay Buuraleyda Galgala ee Gobolkaasi Bari, waxaana La tilmaamayaa in xiligaasi uusan gaariga la socon Mas’uulkaasi, iyadoona la sheegay inuu uga soo haray gaariga Magaalada Qardha.

Warar aan la hubin ayaa sheegaaya in Weerarka ay waxyeelo kasoo gaartay Laba ruux oo gaariga la socday, wallow warar kaasi khilaafsan ay sheegayaan in rasaastaasi aysan waxyeel gaarsiin dadkii gaariga la socday.

Maamulka Puntland, ayaan weli ka hadlin weerarka, iyadoona aysan jirin cid sheegatay weli weerarkaasi.

Lama shaacin khasaaraha uu geystay weerarkaasi iyadoo uu ku soo beegmayo xilli maalmo ka hor Weerar ismiidaamin ah lagu dilay Taliyihii qeybta Boliiska Gobolkaasi Bari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada