Xukuno isugu jira Dil iyo Xabsi Daa'in oo maanta lagu riday Xubno katirsan Al-Shabaab

Xukuno isugu jira Dil iyo Xabsi Daa'in oo maanta lagu riday Xubno katirsan Al-Shabaab

daajis.com:-Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa manta u fadhiisatay Dacwad ciqaabeed loo heestay dad lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayna ka qeyb qaateen falal amaan daro oo Muqdisho ka dhacay.

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ayaa xukuno isugu jira Dil iyo Xabsi dheer waxa ay ku riday ilaa 10-qof oo loo heestay in Al-Shabaab katirsan yihiin ayna ka qeyb qaateen dilal iyo falal kale oo amaanka lidi ku ah oo ka dhacay Muqdisho.

Mi kamid ah Xubnaha maxkamada manta la horkeenay ayaa lagu riday Xukun dil ah kadib markii uu qirtay in uu ka qeyb qaatay falalkii amaan daro ee ka dhacay Bishii Ramadaan Magaalada Muqdisho uuna dilal geestay.

Maxkamada ayaa sidoo kale xukuno cabsi daa’in ah ku riday todoba ka mid ah dobankii qof ee manta Maxkamada Dacwadeeda qaadeysay, waxaa sidoo kale xabsi gaaraya 10-sanadood midkiiba lagu xukumay labo kale oo iyana ku eedeesnaa in Al-Shabaab katirsan yihiin.

Maxkmada Ciidanka Qalabka Sida Dowlada Soomaaliya ayaa dar dar galisay xukunada ay ku rideeso dadka loo heesto in ay katirsan yihiin Al-Shabaab , waxaana dhawaan Muqdisho lagu toogtay dhoor nin oo lagu helay in ay dilal geesteen ayna katirsanaayeen Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada