Gaari uu leeyahay C/qadir Siidii oo la weeraray iyo dhimasho badan oo

Gaari uu leeyahay C/qadir Siidii oo la weeraray iyo dhimasho badan oo

daajis.com:-Wararka laga helaayo gobalka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gaariuu lahaa Gudoomiiyaha Gobalka Sh/Hoose C/qadir Nuur Siidii ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay weerareen.
Xilliga weerarka lagu qaadayay gaariga gudoomiyaha ayaa waxa uu marayay deegaanka Ceel Jaale ee duleedka degmada Marka waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay xabado ku fureen baabuurka.
Inta la ogyahay sadex ruux ayaa ku geeriyootay oo baabuurka la socotay kuwaas oo ahaa illaalada Gudoomiye Sidii waxaana la cadeeyay in xilligaas uusan gaariga saarneen gudoomiyaha.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkaas ay ka danbeeyeen ciidamo u daacad ah gudoomiyaha degmada Marka Max’ed Cusman Yariisow oo maalmahaan ay is khilaafsanaayeen gudoomiyaha.

Dhanka kale ciidamo Milatari ah oo ku baay rasaastaas ayaa waxa ay dagaal la galeen kooxihii baabuurka weeraray waxaana halkaas looga dilay sadex ka mid ah halka Milateriga ay ka dhintay hal askari.
Xaalada ayaa saakay kacsan waxaana laga cabsi qaba in dilalkaan ay is ku badalaan aano qabiileedyo oo maalmahaan gobalkaas ka taagnaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada