Kismaayo oo diyaar garoow loogu jiro soo dhaweynta Barre Hiiraale.

Kismaayo oo diyaar garoow loogu jiro soo dhaweynta Barre Hiiraale.

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Maamulka KMG Jubba ay ku howlan yihiin qaban-qaabo ay kusoo dhaweynayaan Col. Barre Hiiraale.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirada ka socda DF iyo IGAD ay Axmed Madoobe ku cadaadinayaan inuu la soo baxo Siyaasad cusub oo ka duwan tii ka horkeentay Barre Hiiraale.

Wakiilada IGAD ee ku sugan Kismaayo ayaa la Tilmaamayaa inay Axmed Madoobe u ballan qaaden inay ka caawinayaan dhaqaalaha ku baxaayo Shirka dhawaan ka dhacaayo Kismaayo.

Wafdiga IGAD iyo Wasiirada DF ee Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inay Kismaayo kullamo gaar ah ugu qabtaan Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, iyadoona la filaayo in kulamadaasi ay dhacaan ka hor inta uusan shirka furmin.

Ujeedka kulanka dhex mari doono Labada Mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid Albaabada loogu furaayo Heshiis dhexmara labada garab.

Dhanka kale, waxan si rasmi ah loo Ogeyn goorta Col. Barre Hiiraale uu gaari doono Kismaayo wallow ay iminka socto qaban-qaabada lagu soo dhaweynaayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada