Xog: Beesha Gare oo Dhalinyaradooda kala baxay SHABAAB (Akhriso Tiradooda)

Xog: Beesha Gare oo Dhalinyaradooda kala baxay SHABAAB (Akhriso Tiradooda)

daajis.com:-Maleeshiyaad taabacsanaa Alshabaab kana soo jeeda Beesha Gare, ayaa waxa ay isku soo dhiiben Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia ee Deegaanka Qoryoole.

Maleeshiyaadka kasoo goostay Alshabaab ayaa la tilmaamayaa inay kor u dhaafayaan 35 kuwaasi oo Maleeshiyada kala soo baxsaday Hubka isugu jira noocyada fudud iyo kan culus, iyadoona isku dhiibay Ciidamada DF ee ku sugan Saldhiga weyn ee Qoryoole.

Maleeshiyaadkaani ayaa gabi ahaan tooda la sheegayaa inay kasoo jeedan Beesha Gare, waxa ayna kasoo baqoolen Deegaanka loo yaqaan Yaakh Baraawe oo hoostagta Degmada Baraawe.

Sidoo kale, Maleeshiyaadka ayaa waxa ay hubkii ay wateen ku wareejiyeen Ciidamada Dowlada, iyagoona ka dalbaday in la siiyo Magangalyo lana sugo Ammaankooda.

Dhanka kale, Saraakiisha Ammaanka DF ee Degmada Qoryooley ayaa ku baaqay inay isa soo dhiibaan Maleeshiyaadka kale ee ku harsan Alshabaab, waxa ayna ballan qaaden inay sugayaan Ammaanka kuwa isku soo dhiibay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada