Qaramada Madoobey:- oo Wada dadaal lagu yaraynayo askareynta iyo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta

Qaramada Madoobey:- oo Wada dadaal lagu yaraynayo askareynta iyo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta

daajis.com:-Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo ka hor-tagga khilaafaadyada hubeysan Leila Zerrougui oo shir jaraa’id oo ay Nairobi ku qabatay maanta faah-faahin kaga bixisay safar ay ku tagtay Soomaaliya

ayaa sheegtay in dadaalkan looga gol-leeyahay hirgelinta heshiis ay dowladda federaalka saxiixday sanadkii 2012 oo ku aaddanaa dhammeynta askareynta carruurta.

Leila ayaa xustay in hoggaanka sare ee dowladda iyo golaha wasiirrada ay kala hadashay safar ay ku tagtay Muqdisho dhaqangelinta heshiis ay dowladdu Qaramada Midoobay la gashay oo dhigayay in la soo af-jaro in carruurta la askareeyo.

Waxay sheegtay in madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ay u muujiyeen in ay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qaban doonaan dhibaatooyinka haysta carruurta Soomaalida, isla markaana Qaramada Midoobay ay kala shaqeynayaan ilaalinta carruurta iyo in ay helaan waxbarasho iyo nolol wanaagsan.


Danjire Leila ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay siddeed dal oo Afrika ku yaalla oo Qaramada Midoobay ay ka waddo barnaamij loogu magac daray ”Carruurtu askar ma ahan”, kaasoo lagu dhammeynayo askareynta carruurta, iyadoo intaas ku dartay in ilaa hadda lagu guuleystay in waddanka Chad uu soo afjaro in carruurta ciidan ahaan loo qorto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada