Somaliland oo deegaanadeeda ka masaafurisay nin qaba cudur halis badan oo la is qaadsiiyo

Somaliland oo deegaanadeeda ka masaafurisay nin qaba cudur halis badan oo la is qaadsiiyo

daajis.com:-Maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa iyo guud ahaan deegaanadeeda ka masaafurisay nin qaba cudur halis ah, kaasoo mudo labo maalmood ah ku sugnaa Hargeysa.

Ninkan oo lagu magacaabo Mohamed A. Ali oo kasoo jeeda qowmiyadaha dalka Itoobiya ayaa waxaa uu qabaa cudurka Juudaanka ee qofkii uu haleelo googoojo xubnahiisa, waxaana ninkan uu kasoo baxsaday xero lagu karantiilo dadka qaba cudurka Juudaanka.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf  "Maxamed Cambaro", ayaa sheegay inay dib ugu mustaafuriyeen ninkan Itoobiya oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo.

Wasaaradda caafimaadka iyo laanta socdaalka Somaliland ayaa waxaa ninkan inuu soo galay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa ku wargeliyay mid ka mid ah dadka deegaanka, kaasoo abaal marin aan la shaacin la guddoon siiyay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada