Xog:- Ciidamada Dowlada soomaaliya iyo kuwa Amisom oo ku wajahan Degmada Baraawe.

Xog:- Ciidamada Dowlada soomaaliya iyo kuwa Amisom oo ku wajahan Degmada Baraawe.

daajis.com:-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaaya in Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom, ay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkaan waxaa ku lamaanan weerar kaloo isna la doonaayo in lagu qabto Degmada Kuntuwaarey, oo sidoo kale ay gacanta ku heyso Al Shaabab, waxaana lagu wadaa in markaliya laga wada saaro, haddii aynaan waxba iska bedelin sida qorshuhu yahay.

Saraakiil ka wada tirsan Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay Isniintii ay ku kulmeen Degmada Qoryooley, halkaasoo ay isugu lafa gurayn hawlgalka ka dhanka ah Degmooyinka Baraawe iyo Kuntuwaarey, waxayna ka soo saareen go’aan mideysan oo ay ku wajahayaan Degmooyinkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Sheekh Cismaan (Gaagaale), ayaa sheegaaya in labada dhinac ay isla meel dhigeen in lagu dhaqaaqo Kuntuwaarey & Baraawe, maalmaha ina soo aadan.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in maalmo ka hor uu bilowday hawlgalkii Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo uu qeexay in hadafkoodu uu yahay sidii loo soo afjari lahaa Shabaabka Gobolka.



C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa Sabtidii sidoo kale sheegay inay soo afjari doonaan mintidiinta ka dagaalamaysa Gobolkiisa.

Hawlgalka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa qayb ka ah hawlgalada kale ee ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom ka wadaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada