Xog:- Xasan Xanafi oo loo haystay dilka Wariyeyaasha oo qirtay inuu yahay eedeysane

Xog:- Xasan Xanafi oo loo haystay dilka Wariyeyaasha oo qirtay inuu yahay eedeysane

daajis.com:-Xasan Xanafi Xaaji oo ciidamada Booliska dalka Kenya ku qabtay xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa qirtay inuu yahay eedeysane ka tirsan kooxaha argagixisada Somalia ee Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo la hadlay wakaalada wararka AP ayaa sheegay in baaritaan dheer kadib Xasan Xanafi Xaaji uu qirtay inuu yahay eedeysane ay doon dooneyso Dowladda federaalka Somalia.

Ciidamada Booliska Kenya markii Xasan Xanafi Xaaji ay qabteen, wuxuu inkiray inuu yahay Xasan Xanafi Xaaji, isaga oo sheeganayay magac kale oo ahaa Yuusuf  Xasan Abdisalaan oo ugu qornaa sharciga uu ka sameystay Kenya.

Sarkaalkaan ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inay hada qorsheynayaan sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu wareejiyaan Xasan Xanafi Xaaji, maadaama Dowladda Soomaaliya ay horay usoo codsatay in shaqsigaan lagu soo wareejiyo.

Warqado sheegayay inuu Xasan Xanafi Xaaji yahay Kenyan, ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa been abuur ah, sidaasi waxaa sheegay Sarkaalka Booliiska Kenya ka tirsan ee warkaan laga soo xigtay.


Xasan Xanafi ayaa loo haystaa inuu mas'uul ka ahaa dilalka Wariyeyaal badan oo magaalada Muqdisho lagu dilay, iyadoo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dacwad kasoo gudbisay.
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada