R/wasaare Cabdiweli oo sheegay inay qorsheenayaan dib usoo celinta Qaxootiga Soomaalida ee Kenya

R/wasaare Cabdiweli oo sheegay inay qorsheenayaan dib usoo celinta Qaxootiga Soomaalida ee Kenya

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaarinayso barnaamij ku aadan dib usoo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay booqashada uu ku tagay Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, wuxuu usheegay Qaxootiga in dalkooda dib loogu celinayo, maadaama ay hada ka jirto nabadgalyo wanaagsan.
 
Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay inay diyaarinayaan barnaamij ku aadan sidii dadka Qaxootiga iyaga oo heli kara shaqooyin wanaagsan iyo caruurtooda oo waxbarasho tayo leh hesha, ay ka shaqeynayaan.
 
Qaar badan oo kamid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya, ayaan dooneyn inay dalka dib ugu soo noqdaan, waxa ayna sababta uga dhigeen in weli ay taagan tahay dhibaatadii ay ka carareen.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada