daajis.com:-Warka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu
hogaaminayo ay maanta u ambabaxeen Magaalada Addis Ababa ee Dalka
Ethiopia.
Socdaalka Madaxwaynaha ayaa waxaa ku wehliyay Mas’uuliyiin uu kamid
ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Saadiq Eenow, waxaana garoonka ka
sagootiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kawada tirsan Maamulka
Puntland.
Madaxweynaha oo Garoonka kula hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in
Ujeedka socdaalkiisu uu yahay sidii uu Dowlada Ethiopia ugal soo hadli
lahaa Arrimo badan oo ay kamid yihiin Siyaasada, Caafimaadka iyo
taabagalinta Ciidanka Maamulka.
Sidoo kale, Madaxwayne Gaas oo la hadlaayay Saxaafada ayaa ugu
dambeyntiina sheegay in safarkiisu uu qaadan doono muddo labo maalmood
ah kadibna uu dib ugu soo laaban doono dalka.
Dhanka kale, warar hoose oo aan ka helnay Sargaal ka tirsan
Madaxtooyada Garoowe, ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas looga yeeray
Magaalada Addis Ababa, kadib markii uu dacwado ka gudbiyay
Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed oo maalin ka hor u ambabaxay
Dalka Ethiopia wallow uu iminka ku sugan yahay Dalka Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:17 and have
, Published at