daajis.com:-Warar ay heshay Shabakadda daajis.com ayaa sheegaya in wada hadal
hoose uu u socdo Dowladda Federaalka Somalia iyo Abuu Mansuur Roobow
Cali oo ka mid ah Saraakiisha sare ee ururka Al-Shabaab oo horay ugu soo
baxday garabkii Hoggaamiyihii Shabaab ee la dilay Axmed Godane.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in wada-hadaladan ay garwadeen ka yihiin
xubno heyb ahaan ay wadaagaan Abuu Mansuur oo ku jira Dowladda
Federaalka, kuwaasi oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Gobolada Bay
iyo Bakool.
Abuu Mansuur ayaa kasoo baxsaday sanadkii hore Axmed Godane oo isku
khilaafeen arrimaha hoggaanka Al-Shabaab iyo awood ku takr-fal uu
sameeyay Hoggaamiyihii la dilay ee Axmed Godane, taasoo keentay in xubno
fara badan oo uu ka mid yahay Xasan Dahir Aweys, Sheekh Atam oo ahaa
wakiilkii Al-Shabaab ee buuraha Galgala ay dhamaantood nafsatooda ula
soo baqeen.
Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in Abuu Mansuur oo ku sugan qeybo
ka mid ah gobolka Bakool ay wada hadaladooda iskula soo qaadeen
mustaqbalka danbe iyo sida laga yeeli doono marka uu ka tanaasulo ka mid
ahaanshaha Al-Shabaab, iyadoo wada hadaladan ay weli qabyo yihiin.
Abuu Mansuur Roobow oo lagu tiriyo madaxda sare ee Al-Shabaab xilal
ugu soo qabtay ee fikirkooda fogeyn ayaa waxaa horay dagaal u dhex maray
maliishiyo taabacsan Axmed Godane, taasoo keentay in uu kasoo caro
gobolka Shabeellaha Hoose oo xarun u aheyd godane, waxaana uu sal
dhigtay gobolada uu dhalasho ahaan kasoo jeedo ee Bay iyo Bakool.
Wuxuu horay si kulul ugu hadlay dilalka Axmed Godane uu u geystay
Abuu Mansuur Al-Amriiki oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Mareykanka,
MAcallin Burhaan iyo saraakiil kale, oo kasoo horjeestay hadafkii adkaa
ee Axmed Godane.
Wuxuu sidoo kale horay wada hadalo heshiis inaan xabad la isku ridin
ah uu la galay saraakisha ciidamada Dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool
oo dhalasho ahaan ay kasoo wada jeedaan.
Rajada laga qabo in Abuu Mansuur Roobow uu ka tanaasulo fikirka
Shabaab ayaa aad u sareyso sida ay ku waramayaan ilo xog xogaal ah oo
Daajis.com u waramay.
Wada-hadaladan ayaa yimid, kadib markii la dilay Hoggaamiyihii sare
ee Al-Shabaab Axmed Godane, oo Mareykanka duqeyn loo adeegsaday
diyaaradaha aan cidna wadin ay bartilmaameedsadeen kolonyo uu ka socday
Godane iyo Saraakiil kale.
Waxay sidoo kale ay kusoo beegantay xili
Dowladda Federaalka ay ku baaqday cafis loo fidiyay xubnaha Shabaab inay
mudo 45 cisho ah gudahooda ay kaga tanaasulaan fikirkii xagjirnimo.
Waxaa horay isu soo dhiibay Xasan Dahir Aweys oo ilaa weli xabsi guri
ku jira, sheekh Saciid Attam oo Al-Shabaab u qaabilsanaa buuraha
Galgala iyo xubno kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:28 and have
, Published at