Al-Shabaab oo falal xun ka sameeyay degmada Xarardheere

Al-Shabaab oo falal xun ka sameeyay degmada Xarardheere

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyada Alshabaab, ay halkaasi ka sameeyeen Falal isugu jiro xarig iyo dil.

Wararku waxa ay sheegayaan in Maleeshiyada ay halkaasi ku xirxirtay ku dhawaad 25 Ganacsato kuwaasi oo qaarkood laga soo qabqabtay Guryahooda halka qaarna ay ka ka xeysteen Goobahooda Ganacsi.

Ganacsatada Xabsiga la dhigay ayaa la sheegayaa inay caan ka ahaayen Degmada ,waxaana la soo sheegayaa inay ka dhaga adeegeen Amaro ka soo baxay Maleeshiyada  Al-shabaab.

Sidoo kale, Amarka ayaa la sheegay in Gacansatada lagu Amray inay dhiibaan lacago lagula dagaalamo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Kooxda ay Laba ruux ku dileen Howdka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug kuwaasi oo aan la garaneynin Sababta Dilkooda ka dambeysay, waxaana la xaqiijinayaa in Meydka labadaasi ruux ay dul marsiiyeen Gaari kadibna ay ku tuureen Howdka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada