Itoobiya iyo Midowga Yurub oo isku khilaafay dhowrista Xuquuqda Aadaha iyo Wariye Soomaaliyeed..

Itoobiya iyo Midowga Yurub oo isku khilaafay dhowrista Xuquuqda Aadaha iyo Wariye Soomaaliyeed..

daajis.com:-Wafdi ka socday Midowga Yurub iyo Xukuumadda Ethiopia ayaa isku af-garan waayay dhowrista xuquuqda aadanaha, kadib shir ay ku yeesheen Addis Ababa oo looga hadlayay xaalada gobolka.

Xubno ka socday Midowga Yurub oo booqasho ku joogay Addis Ababa ayaa waxay Ra´iisul Wasaaraha Ethiopia ay kala hadlayeen arrimo dhowr qodob oo ugu horeyso dhowrista xuquuqda aadanaha, mashaariicda horumarineed iyo amaanka, iyadoo labada dhinac ay isku af-garan waayeen qodobka ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo dhowrista xuquuqda Suxufiyiinta.

Xubnaha Midowga Yurub iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa isla soo qaaday Wariyeyaal bilaa sharci daro ugu xeran Addis Ababa, oo uu ku jiro Wariye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Aweys Muudeey `Boqorka Bartamaha` oo dowladda Ethiopia ku xukuntay xabsi 27 sano ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu wax ka ogaa qarax ka dhacay Addis Ababa sanadkii hore oo kooxihii dhigay mid ka mid ah uu ku dhintay.

Dowladda Ethiopia ayaa diiday dalab ay xubnaha Midowga Yurub usoo bandhigeen oo ahaa in ay dhowrto xuquuqda Suxufiyiiinta, isla markaana xabsiyada kasii deyso Suxufiyiinta u xeran ee uu ku jiro Boqorka Bartamaha, iyadoo qodobadii kale ee ay ka wada hadleen isku af-garteen marka laga reebo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada, Dina Mufti, ayaa xusay in labada dhan ay isku afgaran waayeen qodobkii ku saabsana xuquuqda adaanaha dalka Ethiopia.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in wafdiga Midowga Yurub ay la kulmeen Ra´iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo laalay qodobka xuquuqda aadanaha.


Warbixin ay soo saartay Ethiopia ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyey qodobadii kale ee la isla soo qaaday, gaar ahaan amaanka, maalgashiga iyo xidhiidhka dhanka dhaqaalaha ee labada dhinac wadaagaan, halka dhowrista xuquuqda aadanaha lagu kala booday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada