W/GAASHAANDHIGA XAAMUD:- Wuu sii socanayaa Dagaalka ay Dowladdu kula jirto Al-Shabaab"

W/GAASHAANDHIGA XAAMUD:- Wuu sii socanayaa Dagaalka ay Dowladdu kula jirto Al-Shabaab"

daajis.com:-DowladdaFederaalka Soomaaliya, ayaa daaha ka rogtay inay sii wadi doonto dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, xilli la dilay Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi (Godane), kadib duqeyn Mareykanka uu ku garaacay kolonyo gaadiid oo uu la socday Godane oo marayay Gobalka Shabeellaha hoose.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay inuusan marnaba joogsan doonin dagaalada lagula jiro Shabaab.
 
Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) Wasiirka Difaaca dalka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dagaalka uu soconaayo, ilaa sida uu yiri Gobalada Jubbooyinka ay soo galaan gacanta Dowladda, kadibna guud ahaan dalka Xoogaga Shabaab laga nadiifiyo.
 
Wasiir Xaamud, ayaa ku waramaayo inta Al Shabaab ay ku sugan yihiin dhul kamid ah ciida Soomaaliya in dagaalka Dowladda ay wado uu yahay mid furan, ilaa Al Shabaab laga saaro guud ahaan gayiga Soomaaliya.
 
Kol hadii la sheegay in Hogaankii Al Shabaab la dilay, ayaa Wasiir Xaamud tilmaamay inuusan dagaalka halkaasi ku dhamaanin, laakiin Da’yarta ku jirta Ururka Al Shabaab marwaliba fursad ay u banaan tahay, weliba wuxuu kula dar-daarmay inay ka faa’iideystaan fursada Dowladda Soomaaliya dhawaan ay soo bandhigtay ee ah inay isku soo dhiibaan Dowladda 45-cisho gudahooda Shabaab.
 
Ururka Al Shabaab oo Bishan gudaheeda laga qabsaday deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya, ayaa la kulmaayo culeesyo Milateri oo kaga imaanaya dhanka Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha taageera Soomaaliya.
 
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa kulaalaya dhulka ay Shabaab ka maamulaan Gobalada dalka Soomaaliya, xilli dalka uu ka socda dagaal Dowladda ay ugu magacdartay “Badweynta Hindiya”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada