Ciidamada DF Somalia & AMISOM oo la wareegay deegaano hor leh (Akhriso)

Ciidamada DF Somalia & AMISOM oo la wareegay deegaano hor leh (Akhriso)

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Gobolka Galguduud ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia iyo kuwa AMISOM ay si buuxda ula wareegen Deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

La wareegida Deegaanadaasi ayaa waxaa xaqiijiyay Maxamed Aadan Kaariye oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee Gobolka Galguduud ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay si buuxda ula wareegeen Dhowr deegaan oo ay ka mid yihiin Ceel-garas iyo Ceel-la-helay kuwaasi oo uu Taliyuhu sheegay inay gacanta ugu jirtay Kooxda Nabadiidka Alshabaab.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Kooxda Nabadiidka waxa aan kala wareegnay Deegaano ay ku sugnaayen, waxaa soo muuqaneysa Awoodaha Ciidamada DF oo kaa shanaaya kuwa AMISOM, goor dhow waxan si buuxda gacanta ugu dhignay Deegaano dhinaca bari ee gobolka ku yaalla, mana jirin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen ciidamada kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri Col. Dhega-dheere.

Taliyaha ayaa waxa uu sidoo kale, sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanno ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, waxa uuna gaashaanka ku dhuftay in Ciidamadu ay horay usii dhaqaajin doonaan.

Dhanka kale, Howlgalka ay Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay halkaasi uga saareen Xoogaga Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa uu qeyb ka yahay Howlgalo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowlada Xassan Sheekh kuwaasi oo lagu furaayo wadooyinka ay kala jareen Kooxda Alshabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada