Daawo Sawirada:- Bannaanbax lagu taageerayay howlgalka badweynta Hindiya oo Muqdisho ka dhacay

Daawo Sawirada:- Bannaanbax lagu taageerayay howlgalka badweynta Hindiya oo Muqdisho ka dhacay

daajis.com:-Banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayay Howlgalka Badweynta Hindiya ayaa maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee degmada Hiliwaa, waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka


Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashandhigga, Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka, Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo K simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda ayaa ka qeybgalay dibadbaxan oo dadweyne ka kala yimid 17-ka, kuwaasi oo ku qeylinayay erayo lagu taageerayay howlgalka ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Fanaaniinta Hobolada Waabari iyo kooxaha barbaarta gaashaaman oo ka mid ahaa dibadbaxayaashaayaa soo  bandhigay heeso guubaabo iyo dhiiri galin iskugu jira oo dhamaantood ka tarjumayay qiimaha wadaniyada .

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay aney si buuxda oo hiil iyo hooba leh ay u gargab istaagaayaan howlgalka badweynta Hindiya ee lagu ciribtirayo Al-shaab.













FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada