Al-Shabab oo weerar sababay geerida sagaal qof ku qaaday kolonyo sidday…

Al-Shabab oo weerar sababay geerida sagaal qof ku qaaday kolonyo sidday…

daajis.com:-War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab in ay weerar ku qaadeyn kolanyo sahay u siday magaalada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan taasoo uu soo dhiibay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

Dad goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in weerarka uu ka dhacay tuulada Halgan oo 74km u jirta magaalada Baladweyne.

Inta la ogyahay sagaal qof oo labada dhinac ayaa ku dhintay iska hor imaadka halka labo kalena ay ku dhaawacmeyn balse ma jirto warar madax banaan oo laga helaayo goobaha iska hor imaadka uu ka dhacay.

Waxaa la sheegay in ay jiraan khasaaro soo gaartay ciidamada galbinaayay gargaarka loo sido Buulo-burte balse ilaa hadda khasaaraha lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay maanta barqadii degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Ma jirin wax iska hor imaad ah oo magaalada ka dhacay markii ay qabsanayeen ciidamada isbaheesanaya.


Wariyaal ku sugan Baladweyne ayaa u sheegay Caasimada Online in maalmahan uu ka socday gobalka abaabul dagaal oo la rabay in lagu qabto Jalalaqsi.

Degmada Jalalaqsi waa degmadii ugu dambeesay ee Al-Shabaab gacantooda ku jirtay marka laga hadlaayo gobalka Hiiraan.

Al-Shabaab waxaa horrey looga qabsaday, Baladweyne, Buulo-burte, Maxaas, iyo deeganno kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada