Sh. Janaqow oo ka hadlay weerarkii uu Maraykanka uu kuq aaday Axmed Godane iyo xaaladda Al-Shabaab

Sh. Janaqow oo ka hadlay weerarkii uu Maraykanka uu kuq aaday Axmed Godane iyo xaaladda Al-Shabaab

daajis.com:-Dowaladda Maraykanka ayaa baareysa in duqeyn habeenkii Isniinta ay ka geesatay Soomaaliya in uu ku dhintay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane iyo in kale.

Haddaba haddii ay xaqiiqo noqoto in uu dhintay Axmed Godane maxay uga dhigan tahay Al-Shabaab?

Su’aashaas ayaa VOA-da waxay weydiisay Sheekh Cabdiraxmaan Janaqow wasiirkii hore ee garsoorka isla markaana sannadkii 2002-dii uu markii ugu horeysay ay isla kulmeyn Axmed Aw Maxammuud Godane kaddibna ay soo wadashaqeeyeen iyagoo ka tirsanaa ururkii midowga maxkamadaha Islaamiga.

Sheekh Cabdiraxmaan Janaqow ayaa sheegay in Axmed Godane iyo Ibraahim Xaaji Jaamac oo loo yaqiinay Ibraahim Afghan oo la dilay in ay ku kulmeyn Muqdisho iyagoo berrigaas waday qorshe ay ku dhisayaan urur la mid ah kan Shabaab oo kale oo dadka dila sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in ururkaas ay ka wadeyn magaalada Hargeysa kaddibna ay keenaan Muqdisho balse waa uu socon waayay ayuu yiri.

Wuxuu sheegay oo kale wasiirkii hore ee garsoorka iyo cadaallada, in Axmed Godane iyo ku xigeenkiisa ay aamisanaayeen fikirka ah in la sameeyo urur la mid ah kan Shabaab xilliga ay ku noqotoba.

Axmed Godane waa nin noocee ah?
Sheekh Cabdiraxmaan Janaqow oo guddoomiye ku xigeen ka ahaa ururkii maxkamadaha ayaa sheegay in Axmed Godane uu ahaa xoghayihii midowga maxkamaddaha Islaamiga isla markaana labo xafiis ay kala lahaayeen balse hal shaqo ay qabanayeen.

Wuxuu Axmed Godane ku sifeeyay nin dedaal badan oo markasta wax curin iyo fikrado la immaan jiray, wuxuu sheegay oo kale in Axmed Godane uu jeclaa markasta in uu noqdo qof dadka ka sareeya oo hankiisa meel sare ayuu ahaa isla markaana hiigsi fog ayuu lahaa ayuu yiri.

Mustaqbalka Al-Shabaab haddii ay waayaan Axmed Godane maxay uga dhiggan tahay?
Wuxuu sheegay Axmed Godane hadda in uu joog meeshii ugu dambeesay oo ah in uu dhinto maadama meel kale aaney u furneen.

Wuxuu kaloo sheegay haddii ay xaqiiqo noqoto in uu dhintay Axmed Godane hoggaamiyaha kooxda in wax sidaas u weyn aaney
soo wajihi karin balse ay weyn doonaan wax isku xira isla markaana ay noqon doonaan kuwa kala tafaraaruqa oo midba gees istaaga meesha uu ka gaarana wax ka dila.


“Gogasha ay ku fadhiyaan Al-Shabaab waa mid najoosowday,marka haddii uu dhinto Axmed Godane kooxda waxay u keen doontaa kuwa afkaar qaloocan xambaarsan isla markaana dad qabta oo aaney jirin cid isku xirta, labadii is aragtana ciil iyo calool xumo ay u dhintaan qofkastana meeshiisa isku xirra” ayuu yiri Cabdiraxmaan Janaqow.

Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan haddii Axmed Godane la dilo in kooxda ay awood iyo xoog cusub ay la soo bixi doonto maadama ay jiraan dad badan oo la’aantiis ugu soo biiri karin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada