Ciidamada dowladda:- iyo kuwa AMISOM oo gelbinaya mucaawino ayaa gaaray meel ku dhow Buulo Burde

Ciidamada dowladda:- iyo kuwa AMISOM oo gelbinaya mucaawino ayaa gaaray meel ku dhow Buulo Burde

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Buulo Burde ayaa sheegaya in gawaari mucaawino sida oo ay galbinayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kana yimid Beledweyn ay gaareen deegaan ku dhow Buulo Burde.

Gaadiidkan mucaawinada oo loogu tala galay dadka deegaanka ee ku go’doonsan Buulo Burde iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa la kulmay dagaalo xoogan, intii ay ku sii jireen wadada u dhaxeysa Beledweyn iyo Buulo Burde.

Dagaalada oo ahaa kuwo goos goos ah ayaa ka dhacay inta deegaanada Halgan iyo Beledweyn, iyadoo ay ku dhinteen ilaa sagaal ruux oo ay ku jiraan dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo askari ka tirsan dowladda.
 
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in mucaawinada ay si nabad ah ku soo gudubtay, haatana ay ku sugan yihiin deegaanka Beera-yabaal oo u dhow Buulo Burde, waxaana la filayaa in goor dhow gudaha u galaan.


Mucaawinadan ayaa waxaa soo dhiibay Madaxweynaha Jabuuti, waxaana ay gaareysaa ilaa 250 tan oo raashin, waxaana mucaawinadan loo soo dhiibay dadka ku go’doonsanaa Buulo Burde iyo hareeraheeda oo Al-Shabaab u diideen in wax sahay ah ay gaaraan, kadib markii ciidamada dowladda iyo AMISOM ay qabsadeen bishii March.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ka wada Gobolka Hiiraan, waxaana socda qorshe la isugu furayo Beledweyn ilaa Muqdisho, kadib markii ciidamada huwanta ay maanta qabsadeen degmada Jalalaqsi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada