Warar cusub:- oo ka soo baxaya weerarkii gantaalada ee lagu qaaday ururka Alshabaab

Warar cusub:- oo ka soo baxaya weerarkii gantaalada ee lagu qaaday ururka Alshabaab

daajis.com:-Wararka la xiriira dhimashada hogaamiyihii ururka Alshabaab Abu Zubeyr ayaa isa soo taraya sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP maanta.
Wakaalada wararka ee AFP ayaa qortay inay hayso xog ah suurtogalnimada in hogaamiyaha Alshabaab uu ku geeriyooday weeraradii gantaalaha ahaa ee lagu qaaday deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

“Waxaa jira warar xaqiiqda u dhow taasoo tilmaamaysa geerida hogaamiyaha Alshabaab, balse waxa ay u baahan tahay in laga cadeeyo dhulka taasoo ah mid aan suurtogal ahayn,”ayuu u sheegay AFP sarkaal dhinaca reer galbeed ah oo arrimaha sirdoonka.

Dhinaca sarkaal dhinaca ammaanka oo Soomaali ah diidayna in magaciisa la xigto oo ka hadlay arrimaha xaalka Godane ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in la dilay hogaamiyaha Alshabaab balse aysan hayn meydkiisa.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in ururka Alshabaab ay ka hadlayaan haatan qofkii lagu bedeli lahaa Axmed Cabdi Godane kadib weerarkii Isniinta. AFP ayaa qortay in ay la xiriirtay madax ka tirsan Alshabaab kuwaasoo diiday in ay xaqiijiyaan ama beeniyaan wararka ku saabsan Axmed Godane.

“Ma dooneyno inaan ka hadalno dacaayada Maraykanka ee ah inay dileen hogaamiyaheena,”ayuu yiri sarkaal ka tirsan Alshabaab. Xukuumada Washington ayaa weeraro gantaalo laga ridayo dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday ururka Alshabaab iyagoo beegsanaya hogaamiyaha ururka Alshabaab Axmed Godane kaasoo Maraykanka ay ku liisgareeyeen inuu yahay mid kamid ah siddeeda ruux ee ay raadinayaan kuna eedeysan argagaxisanimo.


Wakaalada wararka ee AFP ayaa qortay in Axmed Cabdi Godane uu 37 sano jir tababaro kula soo qaatay dalka Afghanistan ururka Daalibaan waxana uu qabtay hogaanka ururka Alshabaab sanadkii 2008dii kadib markii weerar gantaal ah lagu diley Adan Xashi Ceryrow.

Dowlada Maraykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay ciddii war ka keenta ama soo qabata Godane inay abaalmarin u siinayso lacag gaareyso $7-million (5.35-million-euro), taasoo la mid ah hogaamiyaha ururka Boko Haram lacagta loo ballanqaaday cidii warkiisa keenta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada