Daawo:- Orodyahan Soomaaliyeed oo Guula waaweyn ka gaaray cayaaraha Orodka+Sawirro

Daawo:- Orodyahan Soomaaliyeed oo Guula waaweyn ka gaaray cayaaraha Orodka+Sawirro

daajis.com:-Orodyahan kan oo lagu magacaabo CabdiBaaqi Xasan Ibrahim oo ku nool dalka South Africa ayaa wuxuu ordaa orodka masaafada dheer ee kadhaca dalkaasi.

Wiilkan Soomaaliyeed ayaa waxaa uu heeystaa bilaado gaaraya 74 oo 20 kamid ah ay yihiin dahab halka kuwa kalane ay isugu jiraan noocyo kale, waxaa sidoo kale uu helay dhoowr koob oo uu ku helay tartanada deeganada dalka South Africa.

ninkan dhalinyarada ah oo u waramayay Universal ayaa sheegay in uu usoo cayaaray naadiyaal badan balse hada uu u cayaaro naadiga Bankiga weyn ee Nedbank, waxaana uu hada isku diyaarinayaa in uu ka qeyb galo tartanada masaafada dheer ee gudaha South Africa.

Orodyahankan Soomaaliyeed ayaa lafilayaa in uu Qaran ahaan guulo waaweyn usoo hooyo Soomaaliya hadii uu fursad u helo kaqeyb galka Cayaaraha Orodka masaafada dheer ee Dunida.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:




 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada